24 August 2013

Wax yar oo aad iimaansato ayaa kaaga wanaagsan wax badan oo aad kuweydo qasaarto


Wiil ayaa waxa uu ku noolaa dalka kenya
gaar ahaan nairobi waxa uu halkaa ka
bartay gabar somali ah oo Qurux badan
waxayna usocotay dalka maraykanka
gabartii way sheekeeysteen waxayna ku
hishiiyeen inay is guursadaan kadib Waa
ay aqal galeen gabartii waxay baxday
maraykan Gobol kamid ah ayay gashay
bilo kadib waxay bilowday gabartii inay
wiilka lacag u qorto bil kasta lacag ayay
usoo diri jirtay kadib gabar kale ayuu
bartay wiilkii oo iyana usocota dalka
maraykanka iyana sidii oo kale Waa uu
mehersaday way baxday.
Iyaduna ilaahay amarkii waxay tagtay
gobolkii ay joogtay xaaskiisa kale
waxaana meesha ku yaal Hal xawaalad
wax SOMALI leedahay meesha ayeyna aad
ugu yar yihiin Soomaalidu qofkii qof
Somali arka waa uu ku dhagaa jacayl
dartii.
Malin maalmaha kamid ah ayaa labadii
gabdhood Hal mar soo wada galeen
xawaalada waana la isa salamay abaayo
Somali maa tahay haa ana sidoo kale
goormee timid hada mudo sanad wan
joogay yaa dhex martay.
Salaan kadib gabartii markay lacagta
direysay ayay maqashay magaca
ninkeeda oo sadexan oo gabartani ku
direyso lacagta waxayna tiri abaayo
wiilkan aad lacagta u direyso waayo
maxaadse isku tihiin
Gabartii ayaa tiri Waa ninkeyga, talo
faraha ayay ka baxday timahaa la isku
dhagay anba Waa ninkeyga ayaa ka
dhacday
kadib Waa hishiiyeen labadii gabdhood
waxayna u hishiiyeen ninkii isku mar ayay
soo waceen xariifkaan oo islii qaad u
fadhiyo waxaana la yiri labadeenuba
waan ku furnay macalinka ee magalada
iska dhici.

No comments:

Post a Comment