Nin xoogaa waalan oo si qurux badan u labisan ayaa soo galay meel hilibka lagu iibiyo(kawaanka hilbka).
waxaa meesha joogay Yaanyuuro(Bisado ) badan...Yaaw,yaaaw,yaaw.... ayaa
bisadihii dhaheen..markaasuu nikii waalnaa la hadlay ninkii hilibka
iibinaayay, oo ku yiri labo kiilo oo hilib ah usoo jar bisadaha, sidii
ayuu yeelay ninkii hilibka gadaayay. Bisaduhu way gaajeysnaayeen,oo
markiiba hilibkii way dhameeysteen....mar kale ayay hadana bisadihii
yiraahdeen Yaaaaaaw yaaaaaaaw, Markaasuu hadana ninkii waalnaa
yiri...usoo jar kiilo beer iyo keliyo ah ...hadana intii buu Bisadihii
siiyay ninkii hilibka iibinaayay....markey dhameysteen ayuu damcay
ninkii waalnaa inuu iska baxo. ninkii kawaanlaha (hilib laha) ahaa baa
weydiiyay lacagtii hilbkii uu u dalbay Bisadaha...ninkii waalnaa ayaa ku
jawaabay...'' war aniga lacagtaad i weydiineysid waa maxay,aniga luqada
bisadaha ayaan aqaanaa ,oo waan idiin kala turjumayay kaliya ,si aad u
fahantid dalabka bisadaha ay kaa dalbanayeen ,ee lacagtaada ayaga ka
qaado kkkk
No comments:
Post a Comment